Agaasimaha Wasaarada ๐๐๐ซ๐ฐ๐จ ๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ง oo uu weheliyo Agasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka (DRM), ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐ข, ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay aqoon-is-weydaarsi heer qaran ah oo ku saabsan Tri-Part Framework
June 1, 2026
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ: 01 ๐๐ฎ๐ง,2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, ๐๐๐ซ๐ฐ๐จ ๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ง, oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka (DRM), ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐ข, ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay aqoon-is-weydaarsi heer qaran ah oo ku saabsan Qaab-dhismeedka Saddex-geesoodka ah (Tri-Part Framework).
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hayโadda SoDMA, isla markaana uu taageerayay World Food Programme (WFP), ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hayโadaha dowladda, wasaaradaha gargaarka iyo bah-wadaagta arrimaha biniโaadannimada, si loo horumariyo isku-duwidda howlaha gargaarka, u diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka kala duwan ee dalka.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa halkaas ku soo bandhigay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda biniโaadannimo ee ka jirta guud ahaan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyagoo si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha jira, baahiyaha mudnaanta leh ee ay bulshadu wajahayso, iyo goobaha u baahan taageero biniโaadannimo oo degdeg ah, gaar ahaan dhinacyada gargaarka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambayn, madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee ka qayb galay shirkan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow, isku-xirnaan joogto ah iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee u dhexeeya SoDMA iyo wasaaradaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, si loo helo hannaan mideysan oo wax-ku-ool ah loona xoojiyo dadaallada qaran ee lagu maareynayo lagagana jawaabayo musiibooyinka iyo xaaladaha biniโaadannimo ee dalka ka jira.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ