Wasiirka ๐๐ป๐ด ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ถ๐ฟ๐ถ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต (Shariif) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna isuduwaha Arrimaha Baniโaadannimada Soomaaliya ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ฒ๐ผ๐ฟ๐ด๐ฒ ๐๐ผ๐ป๐๐ฎ๐
April 19, 2026
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ 19-๐๐ฏ๐ฟ๐ถ๐น 2026:-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ๐๐ป๐ด ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ถ๐ฟ๐ถ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต (Shariif) ayaa kulan muhiimย ah la yeeshay kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna isuduwaha Arrimaha Baniโaadannimada Soomaaliya ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ฒ๐ผ๐ฟ๐ด๐ฒ ๐๐ผ๐ป๐๐ฎ๐.
Kulankan oo ahaa mid heersare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo hayโadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka biniโaadannimo, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.
Wasiirka ayaa si gaar ah u soo bandhigay xaaladaha biniโaadannimo ee ka jira deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, isagoo tilmaamay baahida degdegga ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada dhinacyada raashinka, biyaha, caafimaadka, iyo hoyga.ย
Sidoo kale Wasiir shariifย ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi waara oo lagu xoojinayo u diyaar garowga iyo ka hortagga musiibooyinka.
Dhanka kale Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna iskuduwaha Arrimaha Baniโaadannimada Soomaaliya Mudane ๐๐ฒ๐ผ๐ฟ๐ด๐ฒ ๐๐ผ๐ป๐๐ฎ๐ ayaa muujiyay sida ay uga goโan tahay xafiiskiisa iyo hayโadaha uu metelo inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Dowladda Waqooyi Bari, isagoo ballan qaaday in la dardar gelin doono dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarsiinayo gargaarka dadka nugul,isagoo si rasmi ah usheegay in Hay'adaha UN ay rasmi ah uga Hawl-gali doonnaan Deegaanada Dowlada Waqooyi Bari Soomaliya.
Ugu dambeyn ๐นabada dhinac ayaa isku raacay in la joogteeyo wadashaqeynta, lana sameeyo qorsheyaal mideysan oo wax ku ool ah si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, lana horumariyo nolosha bulshada ay dhibaatadu saameysay.