πππππππππππ ππππ πππππππππ πππππππ ππππβπππππππππππππ.(ABC) Meeting
April 28, 2026
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, oo kaashanaysa (ABC) Area Based Coordination, ayaa saaka xarunta wasaaradda ku qabatay Shirweynaha Isku-Dubbaridka Arrimaha Biniβaadantinimada (Humanitarian Coordination Meeting), kaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha biniβaadantinimo ee ka jira deegaannada Dowladda Waqooyi Bari iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.
Shirkan muhiimka ah waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, ππ§π ππ¨π‘ππ¦ππ ππ’π«π’π π ππ«ππ‘ (Shariif), oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hayβadaha samafalka, bahwadaagta arrimaha biniβaadantinimada, iyo masuuliyiinta dowladda si loo helo jawaab mideysan oo wax ku ool ah.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay hayβado kala duwan, bahwadaagta samafalka, iyo masuuliyiin door weyn ku leh gurmadka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladaha abaaraha ee ka jira guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari, baahiyaha degdegga ah ee taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa taageerada baniβaadantinimo.
Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku-dubbarid rasmi ah, xog-wadaag joogto ah, iyo qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo in gurmadka loo gaarsiiyo dadka u baahan waqtiga ugu habboon, iyadooΒ wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari ayaa markale adkaysay doorkeeda hoggaamineed ee ilaalinta bulshada, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa wada shaqaynta hayβadaha samafalka, bahwadaagta gudaha, iyo Beesha Caalamka.